Sign in to follow this  
Deeq A.

Degdeg:Faahfaahin ku saabsan Qarax  Ismiidaamin oo Goordhawyed ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin ku saabsan Qarax  Ismiidaamin oo Goordhawyed ka dhacay Muqdisho

Faahfaahin ku saabsan qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa lagu weeraray xero ay degan yihiin Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutadda 12 ka April  oo ku taalla dhabarka dambe Xarunta Xisbiga iyo Stadium Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid Ismiidaamin ayaa la sheegay in lagu dhuftay iridda xerada oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa jira Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Qaraxa ka dhashay, waxaana Qaraxa uu ahaa Mid xooggan, inkastoo aan weli la helin tirada saxda ah ee dhimashada iyo dhaawaca.

Xirada weerarka qaraxa ah lagu qaaday ayaa waxaa degen Ciidamo katirsan Militariga Dowladda gaar ahaan qaybta 27-ka April oo dhismahaan ay degen yihiin loogu magac daray, waxaana u xiran wadada u dhaxeysa Isgoysyada Baar-Ayaan iyo Jaranaal Daa’uud oo dhanka bidix ka marta Hoteelkii Isbartiibada.

Xerada waxaa ku sugan Ciidamo katirsan Militariga Dowladda Soomaaliya, waxaana ay ka howlgalaan Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, balse xerada ayaa u ah talis lagu kala badalo.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa gaaray goobta, waxaana halkaasi ay ka waddaan howlaha badbaadinta.

Ciidamo ka tirsanaa booliska oo ku sugnaa meel u dhow goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa sidoo kale xiray inta badan Wadooyinka soo gala xarunta xisbiga.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in Qaraxaas uu ahaa Ismiidaamin, mana sheegin khasaaraha ka dhashay, waxaana uu tilmaamay in baaris xaqiiqo raadin ah ay socoto.

Dhismaha Garoonka Cayaaraha Muqdisho oo ballac ahaan ku fadhiya inta u dhaxeysa Waddooyinka Warshadaha iyo Soddonka, waxa u kala xir-xiran tahay qaybaha Cayaaraha, Dhismaha Xaruntii Xisbiga iyo Xeryo Cuuryaamiinta oo ay degen Ciidamada Militariga.

Dhismaha Xero Cuuryaamiinta oo labo qayb ah, waxaa dhinac degen Askar katirsan Militariga Dowladda gaar ahaan Guutada 12-ka April, halka qaybta dhanka laamiga Soddonka xigta ay deegaan u tahay dad rayid ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this