Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha ka dhashay qaraxii muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Caasimadda Online) – Inta la xaqiijiyay 10-ruux ayaa geeriyootay halka ay dhaawacmeen 18-kale, kadib markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey uu ku qarxay Xero ay leeyihiin Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 27-aad.

Sida ay xaqiijiyeen waaxda Gaadiidka Gurmadka degdeg ah dadka dhaawaca ah waxaa la geeyay isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho si looga daweeyo waxyeelada gaartay, halka dadka dhintay qaarkood la dhigay Goobaha Caafimaadka.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxa ku geeryootay illaa 6 askari oo ka tirsan ciidamadii ku sugnaa Xarunta la weeraray, waxaana suuragal ah inay tirada intaas ka badato maadaama gaariga qarxay uu gudaha u galay xerada.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda qaraxii Maanta ka dhacay xero ay degan yihiin Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutadda 27-ka April  oo ku taalla dhabarka dambe Xarunta Xisbiga iyo Stadium Muqdisho.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee dowladda oo ku saabsan qaraxan, waxaana uu ku soo beegmayaa qaraxa iyada oo magaalada inta badan waddooyinkeeda yihiin kuwo xiran, isla markaana isgoysada la dhigay ciidamo.

Xirada weerarka qaraxa ah lagu qaaday ayaa waxaa degen Ciidamo katirsan Militariga Dowladda gaar ahaan qaybta 27-ka April oo dhismahaan ay degen yihiin loogu magac daray, waxaana u xiran wadada u dhaxeysa Isgoysyada Baar-Ayaan iyo Jaranaal Daa’uud oo dhanka bidix ka marta Hoteelkii Isbartiibada.

Xerada waxaa ku sugan Ciidamo katirsan Militariga Dowladda Soomaaliya, waxaana ay ka howlgalaan Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, balse xerada ayaa u ah talis lagu kala badalo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this