Sign in to follow this  
Deeq A.

  Askar Sacuudiyaan ah oo lagu laayey xuduuda Dalka Yemen

Recommended Posts

Deeq A.   

Askar Sacuudiyaan ah oo lagu laayey xuduuda Dalka Yemen

 saudi.jpg
Askar ka tirsan ciidanka Sucuudiga ayaa waxyeelo soo gaadhay xilli ay isku dhacyo ka socdeen koonfur-galbeed dalka Sacuudiga, sida lagu sheegay war ay baahisay warbaahin xidhiidh la leh Xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen.

Isku dhacyadda ayaa ka dhex qarxay xoogaga Xuutiyiinta iyo ciidanka Sucuudiga, sida uu baahiyay website-ka Ansarullah. Ma jiro war weli kasoo baxay mas’uuliyiinta Sucuudiga.

Yemen waxaa ka jiray qas iyo khalalaase tan iyo sanadkii 2014-kii,  markii falaagada Xuutiyiinta ay la wareegeen inta ugu badan wadanka oo ay ka mid tahay magaaladda Sanca.

Xasaradaha ayaa kasii daray markii military-ga Sucuudiga iyo xulufo  uu hoggaminayo ay Xuutiyiinta ku qaadeen olole cirka ah, si ay dib talada ugu celiyaan dowladda calamku aqoonsanyahay ee Yemen.

Xulufadu waxay Yemen faro-geliyeen bishii March sanadkii 2015-kii, kadib markii ay Xuutiyiintu caydhiyeen dowladda uu hoggamiyo Cabdurabbi Mansuur Haadi, isla markana ay caasimadda Sanca ka qabsadeen dabayaaqadii sanadkii 2014-kii.

Tobanaan kun oo reer Yemen ah ayaa la rumeysanyahay in ay ku dhinteen colaadaha, halka 14 million oo kale ay khatar ugu jiraan macluul, sida ay sheegtay Qaramadda Midoobay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this