Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorasho Mise Duduuc?

Recommended Posts

Deeq A.   

Doorasho Mise Duduuc?

abdi.jpg

Bulshada reer Somaliland guud ahaanba waa bulsho da’yar oo ay ku cusubtahay DAWLADNIMADU. Fahamka ay u leeyihiin system-kan dawladnimo (democracy) ee ay doorteen aan weli sifiican badankoodu u fahmin.

Sidaan wada ognahay, doorasho xildhibaan (Somaliland) waxaa loo qabtaa baarlamaanka, iyo dawladaha hoose. Labada nooc oo xildhibaanba waxay ku soo baxaan HAL-QOF oo dhiibta HAL-COD.

Waxaynu kaloo ognahay in bulshada reer Somaliland badankeedu weli beelo ku codeeyaan. Taasina waa sababta keenta in odoyaal – laga yaabo badankoodu in ayna systemkan dawladnimo aad uga dheregsanayn, soo xulaan qofka musharaxa u noqonaya reerkaas inta aan doorashada la gaadhin. Qaladkuna halkaas buu ka iman karaa.  Hadii arinku ahaa in qofwalba oo reer Somaliland ah oo xaq u leh in uu codeeyo, uu u codeeyo qofka uu isagu rabo, may ahayn in odoyaal dhowra u dooraan qof inta aan doorashadiiba la gaadhin.

Arinkan, laakiin waxay reeruhu uga jeedaan maamul wanaag iyo in la hubiyo in reerka codkiisa meel lagu wada hubsado, oo aanu codkoodu maalinta codbixinta kala firdhin.

Ficilkan waa ficil horumarka reerka iyo dawladnimadaba khatar ku ah, marka aan loo wajehin sidii saxda ahayd. Aduunyada meelkasta oo doorashooyin ka dhacaan way ka jirtaa is-abaabul ka horeeya maalinta codbixinta, iyo habab lagu soo saaro mushaxiinta meteleysa xisbi/gobol/degmo/ama community.

Waxaa markaa WAAJIB ah in cida hogaanka beel ah in ay diyaariyaan saaxooyin cidii HAN leh ay ku soo bandhigaan afkaartooda, doodna loo qabto, kadibna halkaa cida reerka metelaysa/musharax u noqoneysa lagu doorto.

70% dadkeenu waxay ka yaryihiin 40 jir. Waana dadka mustaqbalka leh, waxna bartey. Waa in number badan oo kuwaas ka mida ay goobtaas musharaxooda lagu soo saarayo goobjoog ka ahaadaan, si ay u doortaan ashkhaastii ay maalinta codbixinta codka siin lahaayeen. Oo isu soo sharaxaysey labada gole (baalamaanka iyo dawladaha hoose). Dariiqan reerka iyo dhalintiisa waxay u horseedeysaa kobac, faham dawladnimo iyo kalsooni.

Hadiise qof aan cidi reerka dhexdiisa kala tartamin oo aan dood lala gelin, odayaashu soo dooraan, waxay taasi keeneysaa dhalinta oo ka hadha fahamka iyo activism dawladnimo ee dalka ka socda. Waa dictatorship iyo jujuub, ee reerka sidaa sameeyaa doorasho Somaliland kama qayb gelin.

By Abdi Osman Jama,
Institute for Strategic Initiatives,
Hargeisa, Somaliland
abdi.jama@isi-inistitute.org

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this