Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo dalka ku soo celisay Dhalinyaro ku xayirneyd Iiraan+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay Dalka dib ugu soo celiso 11 Dhallinyaro ah oo muddo ku xayirnaa Waddanka Iiraan.

Dhallinyaradan oo isugu jirta Rag iyo Dumar ayaa waxay qaarkood ku jireen Xabsiyo ku yaalla Iiraan, halka kuwo kalena ay deggenaayeen goobo ay Dowladda Soomaaliya ku ogeyd, sida uu sheegay Ambassador, Maxamed Xuseen Abuukar (Awliyo).

Ambassador Awliyo oo ay Dowladda Soomaaliya u xil-saartay inuu Iiraan kasoo galbiyo maxaabiistan ayaa sheegay in Dhallinyaradan laga soo qabtay xilli ay si sharci darro ah uga gudbayeen xadka ay Iiraan la leedahay Waddamada Turkiga iyo Ciraaq, wuxuuna intaa ku daray in ay xirnaayeen xilliyo kala duwan.

Tallaabadani ayaa waxaa Gacan ka geysatay Madaxa Xafiiska Ergayga gaarka ah ee xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha Ambassador; Maryan Yaasiin Xaaji iyo hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

IR1.jpg IR2.jpg IR4.jpg IR7.jpg IR9.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this