Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha degmada Wadajir oo xilka laga qaaday iyo walaalkiis oo lagu bedalay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Mudane Cumar Maxamed Maxamed (Filish) ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyey guddoomiyaha degmada Wadajir, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Ow Cali.

Wareegto ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho oo ay aragtay Caasimada Online ayaa xilka looga qaaday mas’uulkaasi, iyadoona guddoomiyaha cusub ee degmada Wadajir loo magacaabay, Bashiir Maxamed Ow Cali oo ay walaalo yihiin mas’uulka xilka laga qaaday.

Bashiir oo ah nin dhalinyaro ah ayaa sidoo kale horay uga soo shaqeeyey xafiiska dowladda hoose ee Xamar.

Sababta xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ayaa waxaa lagu sheegay inuu wax ka qaban waayey dhibaatooyinka ka jira degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale guddoomiyaha cusub ayaa waxaa lagu amray inuu marka xilka la wareego uu wax ka qabto dhibaatooyinkaasi iyo cabashada ka soo yeereyo dadka shacabka ah.

Wadajir ayaa muddooyinkii la soo dhaafay wajaheysay xaalado adag, iyada oo ay roobabkii ka da’ay Muqdisho ay sababeeyn inay go’aan jidadka degmadaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this