Deeq A. Posted July 20, 2020 Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa xalay ganacsade Soomaaliyeed ku dilay gudaha magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullahi Ganey Gadafo, kaas oo ay kooxdii dishay goobta ka baxsatay. Dhacdadan ayaa qeyb ka noqoneysa dilal siyaabo kala duwan todobaadyadii la soo dhaafay ganacsatada Soomaalida loogu geysanayay gudaha dalkaasi. Sanadkan 2020-ka ayaa waxaa aad u sii kordhay dilalka iyo boobka loo geysanayo Soomaalida ku dhaqan K/ Afrika oo inta badan ganacsiyo ku leh dalkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites