Sign in to follow this  
Deeq A.

 3 Talaabo oo uu Farmaajo  ku dhaqaaqay si uu u fashiliyo shirka Madaxda Maamul-goboleedyada Somalia Dhusamareeb uga socda 

Recommended Posts

Deeq A.   

 3 Talaabo oo uu Farmaajo  ku dhaqaaqay si uu u fashiliyo shirka Madaxda Maamul-goboleedyada Dhusamareeb uga socda

3 tallaabo oo madaxweyne Farmaajo uu qaaday si loo fashiliyo shirka Dhusamareeb

 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa badhtamihii toddobaadkan aqbalay casuumad ay madaxda dowlad goboleedyada u sameeyeen oo ahayd inuu kasoo qeyb galo shirka Dhuusamareeb ka furmay.

Wax la yaab leh ma ahayn inuu madaxweynuhu arrinkan aqbalo, marka la eego cadaadiska kaga imaanayay gudaha dalka iyo beesha caalamka ee ku aaddan in si degdeg ah xal loogu helo qabsoomidda doorshooyinka dalka, hase yeeshee waxa uu qaaday dhowr tallaabo oo qorsheysan isla markaana uu ku talgalay inuu kaga cadheysiiyo madaxda dowlad goboleedyada, si shirka u fashilmo.

Qorshaha madaxweynaha ayaa ah in isaga oo shacabka u muujinaya inuu xal doon yahay, haddana wax kasta si hoose u burburiyo. Saddexda tallaabo ee arrintaas caddeynta u ah ayaa:-

1 – Fariintii Mursal uu ku weeraray shirka

Maalin kadib markii uu ra’iisul wasaaraha gaaray Dhuusamareeb ayuu guddoomiyaha golaha shacabka oo la aaminsan yahay inuu ku jiro isbaheysiga madaxweynaha ee muddo kororsiga uu weerar afka ah ku qaaday shirka isaga oo sheegay inaysan xaq u lahayn inay dowlad goboleedyadu ka arrimiyaan doorshada. Sidoo kale waxa uu weeraray guddomiye kuxigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cawad oo saarnaa diyaaraddii ra’iisul wasaaraha geysay Dhuusamreeb.

Mursal waa ogyahay in madax goboleedyada dalka ay talo iyo go’aan ku leeyihiin nooco doorashada ee dalka ka dhaceysa, islamarkaana aanay dalka ka qabsoomi karin doorasho aan heshiis lagu ahayn, hase yeeshee wuxuu isku dayayaa in xal aan la gaarin oo waqtigu sidaas ku dhammaado.

Farriinta guddoomiye Mursal ayaa la aaminsan yahay inuu wax ka ogaa madaxweynaha isaga oo kaga gol-lahaa ka careysiinta madaxda dolwad goboleedayada iyo ra’iisul wasaaraha, iyo inuu qiil ka dhigto in wax uusan ogoleyn afhayeenka baarlamanka aan la socodsiin karin.

2 – Shirkii xildhibaannada ee Villa Somalia

Arbacadii la soo dhaafay ayuu madaxweynaha xafiiskiisa ugu yeeray ku dhowaad 40 xildhibaan oo u badan kuwa ka soo jeeda Somaliland, waxaa la baahiyay in xildhibaanadaas ay madaxweynaha uga cabteen arrinka safarkiisa Dhuusamreeb. Balse warbaahinta ayaa ogaatay in kulanka uu abaabulay madaxweyanha ujeeddadana ahayd inuu shirka cadaadis ku saaro.

Madaxweynaha ayaa doonayey in xildhibaanada ay horudhac usii noqdaan qorshaha uu la tago Dhuusamareeb, isaga oo doonaya inuu dood ka dhigto in doorasho dadban ay diidan yihiin xildhibaanada iyo guddoonka golaha shacabka, sidaas darteedna uusan aqbali karin, taasi oo ugu dambeyn fashilineysa shirka.

3 – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo uu wafdigiisa kusoo daray

Warbaahinta oo loo soo dusiyey liiska wafdiga madaxweynaha ee ku wajahan Dhuusamareeb ayaa xaqiiqsatay in ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Mahdi Guuleed Khadar uu ka mid yahay wafdiga madaxweynaha, arrinkan oo ka dhigan in madaxweynuhu doonayo inuu shirka si rasmi ah uga qeyb galo.

Mahadi Guuleed oo lagu tiriyo garabka madaxweyne Farmaajo ayaa ujeeddada koowaad ee madaxweynuhu u soo kaxeeyay la aaminsan yahay inay tahay inuu ku cadaadiyo ra’iisul wasaaraha oo aragti ahaan u dhow madaxda dowlad goboleedayada iyo in lagu murmo ka qeyb galkiisa shirka taas oo keeni karta sabab uu madaxweynuhu u helo fashilinta shirka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this