Sign in to follow this  
Deeq A.

MASAR oo jawaab deg-deg ah ka dalbatay ITOOBIYA, kadib talaabadii ay qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa jawaab deg-deg ah ka dalbatay inay bixiso dowladda Itoobiya, xili ay soo baxeyso inay bilowday buuxinta biyo-xireenka ay ku muransan-yihiin labada dal.

Masar ayaa Itoobiya ka dalabtay cadeyn ku aadan bilowga biyo xireenka webiga Nile-ka, iyada oo aan weli heshiis rasmi ah aan laga gaarin, isla markaana ay kulamadii u dambeeyay kusoo dhamaaden fashil.

Dalabka dowladda Masar ayaa noqonaya fal-celintii ugu horeysay ee ay ka bixiso hadal uu maalinimadii shalay aheyd sheegay Wasiirka biyaha Itoobiya inay bilowday buuxinta biyo xireenkaasi, kaasi oo kasoo baxay Wasaarada arrimaha dibedda ee dalka Masar.

“Dhismaha biya-xireenka iyo buuxintiisa ayaa wada socota” ayuu khudbad Telefishanka laga sii daayay ku yiri Wasiirka biyaha ee Itoobiya, Seleshi Bekele.

Wuxuuna intaasi sii raaciyey Wasiirku “Buuxinta biya-xireenka uma baahna in lala sugo dhameystirka dhismaha biya-xireenka”, taasi oo ay si weyn uga biyo diidan tahay dowladda Masar.

Hadalka wasiirka Itoobiya ayaa kusoo aadaya xili uu gebi ahaanba bur-buray wada-hadallado saddex geesood ahaa oo ku saabsanaa xiisada ka taagan webiga Nile-ka buluuga.

Geesta kale, dowladda Suudaan ayaa iyadun qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay hoos u dhaceen biyihii uga imaan jiray webiga, tasi oo ay maalinkiiba hoos ugu dhacayaan 90-milyan oo cubic meter ah.

Xiisada ka taagan webiga Nile-ka ayaa u muuqata mid kasii dareysa, kadib buuxinta biyo-xireenka ee ay shaacisay Itoobiya, taasi oo wal-wal ba’an ku ah Masar iyo Suudaan oo ka cabsi qaba inuu hoos u dhaco biyaha ay dalalkoodu ka helaan webigaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this