Sign in to follow this  
Shirwac

Qoob ka ciyaarka iyoxuska Bob Morley oo laga mamnuucay xamar

Recommended Posts

Shirwac   

Maxkamadda Islaamiga Furqaan oo xalay howlgallo ka dhan ah Anshax xumida ka fulisay magaalada Muqdisho

 

Jimco, August 12, 2005(HOL): Maxkamadda Islaamiga ah ee Furqaan oo ka mid ah Maxkamado dhowr ah oo magaalada Muqdisho ka howlgala ayaa xalay howlgallo ay ka fulisay magaalada Muqdisho waxay cagta ku marisay goobo ay ka socdeen falal anshax xumo ah oo Diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida ee ka soo horjeeda.

 

Guddoomiyaha Maxkamaddaas Shiikh Axmed Macallin Yuusuf ayaa sheegay in Xaafadda Buur Hindi ee degmada Wardhiigley ay ku weerareen goob Shineemo ahayd oo lagu daawanayay Aflaanta anshax xumada ah, iyagoo markii ay hareereen shineemadaas dadkii kala ceyriyay qalabkii wax lagu daawanayayna ka qaatay.

 

Sidoo kalena Xaafad ku taala Degmada Xamarweyne ayuu sheegay Guddoomiyaha in ay iyadana ku weerareen, kuna qab qabteen koox kale oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo qabay xaflad ay ku xusayeen Fannaan Gaal ah oo magaciisa loogu sheegay Bob Marley, iyadoo xog wareysi kadibna ay ******** in dhalinyaradaas ay mar walba sameyn jireen xafladaha ceynkan oo kale ah.

 

Shiikh Axmed Macallin Yuusuf, Guddoomiyaha Maxkamadda Furqaan wuxuu intaas ku daray in ay sii wadi doonaan howlgallada ay kula dagaalamayaan falalka anshax xumida ah, isla markaana ay gudan doonaan waajibka saaran oo ah mid Diini ah, iyagoo aan cidna uga heybeysaneynin.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan dhalinyaro fara baxday oo marka aad muuqaalkooda eegto aadan maleysaneynin in ay dalkaba ku noolaayeen, kuwaasi oo labiska iyo dhaqankooda kaleba ka soo min guursaday Reer Galbeedka aan wanaagsaneyn, iyagoo ka cabir qaadanaya Aflaanta ay daawadaan.

 

Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood ayaa waxaa ka jira kooxo dhalinyaro ah oo sameystay magacyo ay isku yaqaanaan, waxayna mararka qaarkood isku casuumaan xaflado qoob ka ciyaar ah oo lagu tartamayo, iyadoo ay xusid mudan tahay in kooxahaasi qaarkood ay leeyihiin hoggaan ay ugu yeeraan Imaam, kaasi oo marka ay dooranayaan ay u sameeyaan xaflad lagu caano shubayo.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee Maxkamaddan oo dhowaan la furay ayaa waxay ka mid tahay maxkamado dhowr ah oo ka jira magaalada Muqdisho, kuwaasi oo xiligan dadka u qabta in badan oo ka mid ah adeegyadii ay u heyn jirtay dowladdii hore, haddii ay ahaan lahayd in dadka dhaqanceliso, tuugada baacsato, gacan ku dhiiglayaasha ay soo qabato, haddii ay suurtagal tahayna ay qisaasto kadib marka ay ku heshiiyaan labada reerood ee dilalka isu geystay iyo in ay qaado dacwooyinka madaniga ah ee mar kasta ka dhex dhaca Dadweynaha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Originally posted by Fidel:

When a sheikh is the judge in a court, it's all down hill from there.

Quite the opposite if the Sheikh is one endowed with islamic knowledge.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Quite the opposite if the Sheikh is one endowed with islamic knowledge

Xoogweyne do you think "maxkamadaha Islaamiga" are true "Islamic" courts? They are anything but...Even their leader was one-time dagaal ooge, Korneel Daahir Aweys (calling himself sheekh nowadays).

 

By the way magacaa markaan arko waxaan soo xasuustaaa my friend. They call him Xoogsade because shaqo maka haro, unless supervisor-yaasha ka naxaan dhahaan take this weekend off oo maba haro and we call him Gadgadoome for another reason maxaa yeelay wuu gam gamaa, sidii cagaf cagaf camal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this