Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Qoor Qoor oo qado u sameeyey madax goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo marti geliyay shirweynaha madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa kulan qado sharaf ah iyo casiryo ugu sameeyay xarunta madaxtooyada Galmudug.

Kulanka qadada ayaa waxaa barbar socday shir gaar ah oo ay ugu hadlayeen furitaanka shirka iyo ajandahiisa oo la isla gartay in beri uu si rasmi ah ugu dhaco magaalada Cadaado.

Maanta ayaa la filayay in shirka uu furmo balse dib u dhaciisa lagu sheegay go’aankii shalay golaha wasiirada kasoo baxay ee ku aaddanaa in aan la aqbali doonin dib u dhac doorasho iyo muddo kordhin ay sameystaan hay’addaha dastuuriga ah.

Waxaana shirkaasi diirada lagu saari doona doorashada dalka ee 2020/2021, iyaga oo meel adag iska taagi doona muddo kordhin la sheegay inay wado madaxtooyada Soomaalya.

Sidoo kale waxa shirkaasi lagu lafo guri doona xiriirka hoos u dhacay ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada iyo weliba xiisada ka dhex aloosneed muddooyinkii u dambeeyay.

Waxaana lagu wadaa in shirkaasi laga soo saaro go’aamo xasaasiya oo ku aadan doorashooyinka, mowqifka ay ka taaganyihiin maamulada dalku iyo arrimo kale oo xiligan taagan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this