Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog ka cusub dilkii arxan-darrada ahaa ee xalay duleedka Muqdisho loogu geystay dadkii halka qoys ahaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeriya ayaa kasoo baxaya Nin hubeysnaa oo xalay dad isku qoys ah ku laayay deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho.

Weerarka Ninkaasi ayaa waxa ka dhashay sida aanu wararkaygii hore idinku soo gudbinay dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo saaka hal qof oo dhaawac ahaan loogu soo qaaday Muqdishu uu u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray weerarkaasi.

Ninka weerarka geystay ayaa lagu soo waramayaa inuu xidid la ahaa qoyska uu weerarka ku qaaday, isla markaana uu ka qabay gabar, isagoona hore u dilay gabar xaamilo ahayd oo la dhalatay xaaskiisa, Sida ay ogaatay Caasimada Online.

Weerarka uu ninkaasi hubeysnaa uu ku qaaday qoyskaasi ayaa waxa uu ku dilay 5 ruux halka uu dhaawac u geystay 4 kale, oo isugu jiray Haween xaamilo aheyd, Labo caruur ah iyo Labo oday oo waayeel ahaa.

Ninka weerarka geystay ayaa ahaa harqaale dharka tola, isagoona xiliga uu weerarka geysanayey xirnaa dharka haweenka, sida ay ilo amaanka ah u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay qorigii uu weerarka ku fuliyay Ninkaasi, inkasta oo uu isagu baxsad yahay oo laamaha amaanku ku raad-joogan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this