Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo gaaray Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxwweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa haatan gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo uu kaga qayb-galayo Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka.

Madaxweyne Deni iyo Wefdigiisa oo Diyaarad ka qaadday Magaalada Gaalkacyo, waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Madaxda Sare ee Galmudug, oo ay hoggaaminayaan Madaxweyne Qoor Qoor, ku xigeenkiisa, Guddoonka Baarlamanka iyo dadweyne kala duwan.

Sidoo kale, Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa Shalay iyo Maanta gaaray Dhuusamareeb, waxaana saacadaha soo socda la sugaya Madaxweynaha Jubaland oo isna Kismaayo ka imaanaya, kadibna Shirka ayaa furmaya sida Qorshaysan.

Shirka, waxaa looga hadlaya Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya, Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka iyo sidoo kale Qodoba kale oo ay kamid yihiin Amniga Qaranka iyo Dib u-eegista Dastuurka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo gaaray Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this