Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Danjiraha Shiinaha ee Somalia oo safar ku tagaya Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Danjiraha dalka Shiinaha ee Soomaaliya, Amb. Qin Jian ayaa lagu wadaa inuu socdaal ku tago caasimada Somaliland ee Hargeysa, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Safarka danjiraha ee Somaliland ayaa daba socda xiriirka iyo heshiiska cusub ee kala saxiixdeen Somaliland iyo Taiwan, kaasi oo dowladda Shiinuhu ay si weyn uga carootay.

Shiinaha ayaa si adag uga hor-yimid xiriirka labadaasi dhinac, isagoona ku tilmaamay wax aan la aqbali kareyn, isla markaana xad-gudub ku ah Jamhuuriyada dadka ee Shiinaha.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Amb. Qin Jian ayaa kulamo la yeelan doona madaxda ugu sareysa Somaliland, gaar ahaan madaxweyne Muuse Biixi, oo uu kala hadli doono mowqifkooda ku aadan xiriirka Taiwan.

Qin Jian ayaa si rasmi ah Somaliland u gaarsiin doona diidmadooda ku aadan in xiriir diblumaasiyadeed lala sameeyo Taiwan, oo iyadu sheegata inay tahay dal ka madax banaan Jamhuuriyada Shiinaha.

Safarka Jian ee Hargeysa ayaa qeyb ka ah dadaalada ay Beijing ku wiiqeyso iskaashiga Taiwan iyo Somaliland, oo iyadu laftigeedu ah maamul ka tirsan Soomaaliya, balse ku dooda madax-banaani aan taageero ka haysan beesha caalamka.

Somaliland iyo Taiwan ayaa iyagu dhawaan si wada-jir ah u sheegay in diidmada Shiinaha aysan waxba ka badali doonin iskaashigooda, walow aan si rasmi ah loo ogeyn halka uu ku dambeyn doono xiriirkaasi cusub.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this