Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo burburiyey xarun isgaarsiin oo ku taalla Gaarisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay burburiyeen xarun shirkad Isgaarsiineed oo laga leeyahay dalka Kenya,taas oo ku taalla aagga deegaanka Korakora oo ka tirsan magaalada Gaarisa, gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ku dhawaad 20 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen xaruntaas, islamarkaana dagaal kooban uu dhex-maray ciidamo ka tirsan Booliska Kenya oo ilaalo ka hayay xarunta la burburiyay.

Ma jiro wax khasaaro nafeed oo ka dhashay dagaalka dhex-maray ciidamada Booliska Kenya & Al-Shabaab, waxaana dhacdadan ay timid, kadib markii laamaha ammaanka ay ka digeen inay suurta gal tahay in la weeraro xarumo muhiim ah oo ku yaala xuduudka Kenya iyo Soomaaliya.

Taliyaha Booliska gobolka Waqooyi Bari Keny,a Rono Bunei ayaa sheegay inay xoojiyeen howl-gallada ka socda aagga uu weerarka ka dhacay, si wax looga qabto khatarta amni darro ee ka jirta deegaankaasi.

Toddobaadkii hore Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero Boolis oo ku taal deegaanka Fafi, ee magaalada Gaarisa,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal khasaare sababay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this