Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda caafimaadka oo qalab gaarsiisay gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda fedaraalka  ayaa maanta agab caafimaad oo loogu tala galay ka hortaga Covid 19 gaarsiisay Gobalka Mudug, kaas oo qeyb ka ah olalaha la dagaalanka faafitaanka xanuunka Covid-19 ee ay wado dowlada fadaraalka Soomaaliya

Isku duwaha wasaaradda caafimaadka Gobalka Mudug Cabdi Maxamuud Xirsi oo ugu horeyn ka hadlay madasha wareejinta agabkaan ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay isagoona uga mahad celiyay midowga Yurub iyo wasaarada caafimaadka fadaraalka

Duqa degmada Galkacyo Xirsi Yuusuf Barre iyo guddoomiyaha gobalka Mudug ayaa iyaguna ka mahad celiyay iyagoona xusay in agabkaan uu kusoo beegmayo xilli walaac xoogan oo la xariira xanuunka Covid 19 uu ka jiro Gobalka Mudug

Ugu dambeyn guddoomiyaha ururka haweenka Gobalka Mudug Maymuun Cali Nuur iyo gudoomiyaha ururada bulshada rayidkaa Baashi Xasan Erag ayaa ayaa bogaadiyay talooboyinka dowlada fadaraalka e ku aadan ka hortaga cudurka faafa ee Covid-19

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this