Sign in to follow this  
Deeq A.

Wufuud kala duwan oo maanta gaartay magaalada Dhuusamareeb + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi ballaaran oo uu horkacayo madaxweynaha HirShabelle ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo wafdigiisa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Sidoo kale waxaa maanta gudaha magaalada Dhuusamareeb gaaray xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Somalia.

Wufuudan kala duwan ayaa qeyb galeysa shirka madaxda maamul goboleedyada dalka oo beri ka furmaya caasimada Galmudug, waxaana la filayaa in sidoo kale saacadaha soo socda ay halkaasi gaaraan hoggaamiyeyaasha 3-da maamul ee kale.

Halkan hoose ka daawo sawirada:-

2-7-696x464 3-7 2-8-696x464 2-7-696x464 1-8-696x464 1-9-696x464 4-6-696x464

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this