Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Bayle oo Shir Guddoomiyay Kulanka Hormarinta Maaliyadda Dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta shir guddoomiyaya kulanka hormarinta Maaliyadda dalka oo hab muuqaalka ku qabsoomay kaas oo ay ka qayb-galeen hay’adda lacagta aduunka ee IMF iyo World Bank.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in kulanka maanta ay uga wadahadleen waxyaabahii usoo qabsoomay dowladda dhinaca dib-u-habeynta Maaliyadda dalka.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxa uga mahadceliyay hay’adaha dhaqaalaha Aduudka ee shirka qeyb galay sida IMF iyo World Bank sida ay ugarab taaganyihiin dowladda Soomaaliyeed oo haatan dib u kabasho ku jirta

Ugu dambeyn Wasiirka Maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxa uu sheegay in hay’addaha dhaqaalaha ee IMF iyo World Bank ay taageereen nidaamka ay dowladda Soomaaliyeed ku habeyneyso dhalaaha dalka.

PUNTLAND POST

The post Wasiir Bayle oo Shir Guddoomiyay Kulanka Hormarinta Maaliyadda Dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this