Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda shaqaalaha dawldda oo daah furtay…..

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20200707-WA0005-300x200.jpg IMG-20200707-WA0002-300x200.jpg IMG-20200707-WA0003-300x200.jpg 1594123723054_1594123711421_0_IMG-202007

 

IMG-20200707-WA0006-300x200.jpg 0_IMG-20200707-WA0004-300x200.jpg

 

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo kaashanaysa Xafiiska Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa maanta daah-furay kulan lagu lafa-gurayo isla markaana lagu ansixinayo Hagayaasha Hab-Maamuuska Qaran.
Dhawaanahanba Hay’adda Shaqaaluhu waxa ay kala shaqaynaysay Xafiiska Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha Debedda kor u qaadista iyo tayaynta waaxda Hab-maamuuska (Protocol) iyada oo taasna ay gacan ka siinayeen khubaro dibomaasiyiin caalami ah oo in dhawaydba hawshaas dalka u joogay. Hagayaasha la sameeyay ayaa kala ah:
1. Hagaha Hab-maamuuska Qaranka
2. Hagaha Tababarka Hab-maamuuska Qaranka
3. Warbixinta Qiimaynta Hab-maamuuska Qaranka
4. Qorshaha Hirgelinta Hab-maamuuska Qaranka
Hagayaasha iyo warbixinnadaas ayaa noqon doona qaar ay si buuxda ugu shaqeeyaan waaxaha Hab-maamuuska ee Xafiiska Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha Debedda.
Kulankan waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyada oo lagu lafaguray baahida qaranku u qabo in la helo Hagayaashan iyo sida uu wax weyn uga tarayo marka la eego xidhiidhada caalamiga ah ee isa soo taraya ee Somaliland la leedahay adduun weynaha.
Sidoo kele waxa isna maanta bilaabmay tababar socon doona laba maalmood kaas oo la siinayo shaqaalaha waaxyaha Hab-maamuuska Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha Debedda kuna. Tababarkan ayaa inta uu socdo lagu baran doonaa hab-maamuuska dawladda, soo dhawaynta iyo qaabbilaadda madaxda iyo wixii la xidhiidha.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this