Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweynayaashii hore oo la kulmay hoggaanka dhaqanka Mudulood

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaashii 7 aad iyo 8 aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, mas’uuliyiin ka tirsan madasha Xisbiyada qaran ayaa la kulmay hoggaanka dhaqanka Beesha Mudulood oo ay hoggaamiyeen Imaam Maxamed Yuusuf iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Kulankan oo qabsoomay maanta oo Talaadaa ayaa ka dhacay xarunta Madasha Xisbiyada Qaran, waxaana looga hadlay guud ahaan xaalada dalka, doorashooyinka iyo Shirka Beesha Mudullood ee dhici doona 13 bishan July.Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa kala hadlay Hoggaanka Dhaqanka Beesha Mudullood siduu u qabsoomi lahaa shirka Beesha Mudullood, una noqon lahaa mid mira dhal ah oo saammeyn wanaagsan ku yeesha aayaha beesha iyo degganaanshiyaha magalada Muqdisho.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arimaha doorashooyinka ee dalka ku soo food leh iyo sida ay uga qayb qaada karaan dhamaan saamilayda siyaasada dalka.Image may contain: one or more people, sunglasses and beard

“Kulankan ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda dalka, doorashooyinka iyo shirka beesha Mudullood ee lagu dhawaaqay inuu qabsoomi doono siduu u noqon lahaa mid mira dhal ah oo saammeyn wanaagsan ku yeesha aayaha beesha iyo degganaanshiyaha magalada Muqdisho” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran.

Hoggaanka Dhaqanka Beesha Mudullood ayaa dadaal ugu jira sidii shirka 13 bishan July uu u noqon lahaa shir ay ka soo qeyb galaan dhammaan xubnaha beesha ku matala dowladda iyo siyaasiyiinta kale.Image may contain: 2 people, people sitting

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

madasha-mudul-696x464-1 Mudulood-1536x1024 Shariif-1536x1024 Ugaaska-1536x1024 Xasan-1536x1024 Imaamka-1536x1024

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this