Sign in to follow this  
Deeq A.

Genaral Indha Cadde oo shaaciyey inuu faraha ka baxay amniga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Genaral Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Xoogga, horeyna xilal kala duwan u soo qabtay ayaa sheegay in ammaanka Muqdisho uu yahay xilligan mid aan la’isku haleyn karin, marka la eego falalka amni dari ee ka dhacaya.

Indha Cadde oo u warramay Shabelle ayaa tilmaamay in aan si nabad-gelyo ah aan loogu safri karin waddooyinka ka baxa Muqdisho ee aada Jowhar iyo Afgooye, isaga oo tusaale u soo qaatay xildhibaan ka tirsanaa HirShabelle ee dhowaan lagu dilay duleedka Balacd.

Sidoo kale wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay si aad ah uga gaabisay arrimaha ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay haatan dowladda federaalka isku diyaarineyso doorashooyin dalka ka dhaca dhammaadka sanadkan 2020 illaa kan xiga ee 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this