Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageysiga dacwadda Wariye Gurbiye oo maanta dib loo dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dib u dhigtay dacwadda loo heysto Wariye Cabdicasiis Gurbiye kadib maarkii maanta lasoo taagay Maxkamaddaasi.

Qareenka u doodayey Wariyaha  ayaa sheegay in ay sameeyeen ishor istaag sharci ku saabsan dacwadda loo heysto Wariye Gurbiye ka gadaal markii ay caddeeyeen in aan loo adeegsan karin xeerka Ciqaabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale qareenka ayaa tilmaamay inay ka war-sugayaan go’aanka ay gaari doonto maxkamadda gobolka Banaadir, isaga oo tilmaamay inuu noqon doonto inuu halkaas kiiska uu ku soo dhamaado ama in la sii wado.

Kiiska Wariye Gurbiyey oo ah Tafaftiraha Goobjoog FM ayaa muddo 2 bil  socda, isaga oo xabsiga la dhigay 14-kii bishii April, kadib markii ay soo eedeysay Villa Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this