Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya weeraro ka dhacay gobolka Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro kala duwan oo saacadihii la soo dhaafay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho iyo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka koowaad oo loo adeegsaday qarax miino ayaa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, kaas oo lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay qaraxaas ku dishay ugu yaraan illaa afar askari oo ka tirsanaa ciidamadaasi, sida ay ku baahisay baraha bulshada ee Internet-ka.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerar kale madaafiic ah ay ku qaadeen deegaanka Janaale ee gobolka Sh/Hoose.

Al-Shabaab ayaa shaacisay inay weerarkaasi la beegsatay saldhig ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin halkaasi, islamarkaana ay khasaare u badan dhaawac ku gaarsiisay ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada AMISOM iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan weeraradaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla gobolka Sh/Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this