Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsatada Qaadka Kenya oo ka cabanaya dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Hadal ay siiyeen warbaahinta guddiga ay ku mideysan yihiin ganacsatada qaadka wadanka Kenya waxa ay ku soo bandhigeen dhibaatooyin dhaqaale xumo oo ka soo wajahday suuqoodii Soomaaliya oo loo xayiray cudurka fafaafa Covid-19.

Ganacsatada waxa ay soo bandhigeen khasaaraha lacageed ee ka soo gaartay diyaarad sabtidii todobaadkan dowladda federaalka ah ee Soomaaliyaay dib uga celisay hawada Soomaaliya, taas oo ku sii jeeday magaalada Hargeysa ee caasimada  Somaliland.

Culeyska qaadka saarnaa diyaaradda ayaa guddiga wuxuu ku sheegay 13.6 tan, una wadeen suuq qaad oo ku yaalla magaalada Hargeysa, maadaama maamulkaas uu qaaday xayiraadda ka dhalatay cudurka Covid-19, balse waxaan wali la qaadin xannibaadda duulimaadyada caalamiga eeay soo rogtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Nyambene oo ah guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada qaadka Kenya oo warbaahinta hadal siiyay waxa uu sheegay in dhibaato dhaqaale ay la soo daristay.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay dib usoo celisay qaad qiimo ahaan ku kacaya $30 Kun, waxa aan fasax ka heysanay Hay’adda duulista rayidka ee Somaliland, wax waliba waxa ay u socdaan sidii la rabay ilaa markii dambe diyaaradda lagu amray in ay dib uga baxdo Hawada Soomaaliya” Sidaasi waxaa yiri Munjiri oo la hadlay Wargeyska Standard.

 

Ganacsatada qaadka dalka Kenya ayaa waxa ay ku sugan yihiin xaalad dhaqaale xumo, maadaama la joojiyay dhammaan diyaaradihii badnaa ee sida maalinlaha u soo caga dhigan jiray garoomada diyaaradaha dalka oo dhaqaale aad u badan ay ka helaan.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this