Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyo Ka Dhacay Addis Ababa Iyo Xaalada Oo Kacsan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis abab)-Waxaa weli kacsan xaaladda Magaalada Addis Ababa ee Caasmadda dalka Itoobiya, kadib markii shalay halkaas ay ka dhaceen Banaanbaxyo rabshado wata oo loo horjeeday Dil habeen hore halkaas loogu geystay Fanaan lagu Magaacabi jiray Haajaalu Hundeesaa.

Addis Ababa ayaa sidoo kale waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaraxyo miino nooca dhulka lagu aaso ah, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaadhay dad shacab ah.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Itoobiya Endeshaw Tasew ayaa waxaa uu sheegay in saddex qaraxyada ay ka dhacay Caasimadda dalkaas, ayna ku dhinteen dad shacab ah xubno o ka tirsan dadkii dhigayay qaraxyada, waxaana ku dhaawacmay dad kale oo la geeyay Xarumaha Caafimaadka.

Sidoo kale dhakhaatiir ka howlgasha cisbitaalka weyn ee Addis Aabab ayaa sheegay in cisbitaalka la geeyay dad badan oo dhaawacyo Culus ay soo saareen, kuwaasi oo qaarkood lagu dhuftay Toorey, halka kuwo kalena la garaacay.

Ra’iisul Waasare Abiy Axmed oo markale ka hadlay dilka loo geystay fanaankii Haajaalu Hundeesaa ayaa waxaa uu sheegay in falkaas uu ahaa mid shaydaanimo ah, isla markaana ay ka dambeeyeen Dad Cadow ah oo kasoo horjeeda xasiloonida Itoobiya.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno Addis Aabab ayaa sheegaya in Wadooyinka la dhigay Ciidamo badan oo kala duwan, iyadoo laga cabsi qabo in markale halkaas ay ka dhacaan Banaanbaxyo rabshado wata

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this