Sign in to follow this  
Deeq A.

Dacwaddii ka dhanka aheyd Faysal Cali Waraabe oo loo gudbiyey xeer ilaalinta Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta dacwad loo heysto guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, Mudane Faysal Cali Waraabe u gudbiyey xeer ilaalinta guud ee maamulkaasi.

Dacwadda oo ah mid culus ayaa timid, kadib makii shalay guddiga joogta ah ee golaha wakiilada Somaliland ay kalsoonidii kala noqdeen guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Cabdraxmaan Mowliid oo ka mid ah Garyaqaanada dhanka sharci ee golaha wakiiladda maamulka Somaliland oo goor dhow warbaahinta ugu warramay gudaha magaalada Hargeysa ayaa shaaciyey in dacwaddaasi ay u gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta, islamarkaana ay rajeynayaan in la dhageysan doono maalmaha soo socdo.

Eedeymaha waa weyn ee loo jeediyey ayaa waxaa ka mid ah inuu jebiyay Dastuurka Somaliland, isla markaana uu halis ku yahay nabadda iyo midnimada Somaliland.

Sidoo kale waxaa loo heystaa inuu abuuray kicin dadweyne iyo iska horkeenida bulshada Somaliland.

Dhankiisa Faysal Cali Waraabe ayaa shalay eedeymahaasi ku tilmaamay waxba kama jiraan, isagoona ku dooday inuusan jabin qodob Dastuuri ah.

Faysal oo hoggaamiyo xisbiga UCID ayaa innta badan warbaahinta mariya hadallo aan loo meel-dayin, kuwaasi oo madaxda Somaliland qaarkood ay rumeysan-yihiin inay abuuri karaan khatar amni iyo tafaraaruqa bulshada dhammaan reer Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this