Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war yaab leh kasoo saartay dilkii Shariif Jiis

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Onlone) – Kooxda Al-Shabaab ayaa dhabarka u ridatay mas’uuliyadda dil xalay magaalada Baydhabo loogu geystay Shariif Mukhtaar Jiis oo ahaa guddoomiyihii ururka naafada ee dowlad goboleedka K/ Galbeed Soomaaliya.

Warka ka soo baxaya Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan kuwooda ay weerar qorsheysnaa ku dileen marxuumka, kadibna ay baxsadeen.

Sidoo kae qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa si yaab leh loogu sheegay in marxuum Mukhtaar uu ka mid ahaa saraakiisha hay’adda dambi baarista ee CID-da Soomaaliya, islamarkaana uu la shaqeynayey muddo 10 sano ah, sida  ay hadalka u dhigeen.

Marxuumka ayaa xalay lagu dhex-dilay gurigiisa oo ku yaalla xero barakac oo ku taalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dilkiisa waxaa ka hadlay oo sidoo kalena ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Baydhabo waxaa mararka qaar ka dhaca falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan oo Al-Shabaab ay ka fuliso halkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this