Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

A worthy cause

Recommended Posts

Xaflad loogu magac daray "Socdaalkii Nabadda iyo Suugaanta Hadrawi ee Toronto" ayaa maalintii sabtida (25ka bishan Octoobar) ka dhacahay magaalada Toronto ee dalka Kanada.

 

Xafladan oo ay si wadajir ah u soo abaabuleen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Toronto ayaa waxay kulmisay dad ka badan kun (1000) qof oo ka kala socda dhammaan bulshaweynta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Toronto. Waana markii ugu horeeysay ee Soomaali isaga soo horjeeda siyaasadda Soomaaliya ay meel ku wada kulmaan, ayaga oo ka mideysan soo dhaweynta Abwaanka magac dheer ku leh ummadda Soomaaliyeed.

 

Waxaa abwaan Hadraawi halkaas ku soo dhaweeyey fannaaniin iyo abwaano ku nool magaalada Toronto oo ay ka mid ahaa yeen: Nakruuma, Daleys, Khaliiji, Keyd, Lagjar iyo Gaaxnuug

 

Cabdi Xoosh Jibriil oo ka mid ahaa guddigii qabanqaabada soo dhaweynta Abwaan Hadraawi ayaa halkaas ka soo jeediyey warbixin kooban oo ku saabsan abwaan Hadraaw. Waxaa sidoo kale baraanbur lagu ammaanyo Abwaan Xadraawi halkaas ka soo jeediyey Batuula Axmed Gabale iyo Seynab Faarax Siindiko.

 

Waxaan runtii xusid mudan dhallinyaro ay ka mid ahaa yeen Cabdifataax, Burhaan Saciid iyo Caasha Abuukar Boocoow oo halkaas ka soo jeediyeen ereyo ay ku soo dhaweeynayaan abwaanka. Waxaa si gaar ah dadkii halkaas isugu yimid uga maqsuudeen Caasha Abuukar oo in kasta oo ayada oo afar jir ah ay soo gashay dalkan Canada, haddane sida wanaagsaneyd ee ay af-Soomaaliga ugu hadleysay aad loola yaabay.

 

Ka dib, Abwaan Hadraawi ayaa ugu horeyntii u mahadceliyey dhammaan dadkii ka soo qaybgalay xafladaas; wuxuuna halkaas ka soo jeediyey warbixin dheer oo ku saleysneyd seddex qaybood oo kala ah: dhibaatada dadka la haybsooco, Socdaalkiisii nabadda ee Soomaaliya iyo Nolosha Soomaalida ku nool qurbaha

 

Abwaan Hadraawi ayaa khubadiisii ku bilaabay dhibaatada haysta dadka la haybsooco ee ku nool dalka Soomaaliya. Wuxuuna ka hadlay taariikhda keentay in dadkaas la faquuqu, isaga oo ku tilmaamay in ay tahay wax aan caqliga galikarin qof kula mid ah oo wax waliba kula wadaaga in lagu takooro waxyaabo aan caqliga maanta aan wax macna ah sameyn Karin. Wuxuu dadkii halkaas isugu yimid ku dhiirigaliyey in ay gabi ahaanba caqligooda ka tirtiraan fikirka ay ka qabaan dadka la haybsooco. "Haddii aan nahay dad muslim ah oo diinta Islaamka aaminsan waa in aynu soo dhaweynaa dadkan nala dhashay" ayuu yiri abwaan Hadraawi. Intaa ka dib, ayuu Abwaanka wuxuu Soomaalidii halkaas ku kulantay ka codsaday in ay kaalmo dhaqaale u aruuriyaan Dugsi Hoose oo ku yaala magaalada Hargeysa oo ay dhigtaan arday ka soo jeeda dadkaas la haybsooco.

 

Socdaalka Nabadda ee abwaan Hadraawi ayaa ku bilaawday sida uu sheegay, dhacdo uu kala kulmay mar uu dalka Ingriiska ku noolaa. Abwaanka ayaa sheegay in uu maalin u qasday in uu aado meel ka mid ah magaalada London. Markii uu waddo isa soo taagay, ayuu abwaanku milicsaday dadka iyo baabuurta badan ee wadadaas maryey kuwaas uu ka waayey mid u garanya in uu yahay Abwaan Hadraawi. Abwaanka ayaa go’aan ku gaaray inuu isaga tago dalka Ingriiska uu waagaas joogay. Markii uu abwaanka ka degey garoonka Hargeysa ayaa la weydiiyey sababta uu dalka dib ugu soo laabtay. Markaa ayuu ku jawaabay “WAAN ISWAAYEY”

 

Abwaanka ayaa ka dib, wuxuu dadweynihii halkaas isugu yimid uga warbixiyey Sacdaalkiisii Nabadda ee sannadkii 2003 ee uu ku kala bixiyey qaybo ka tirsan dalka Soomaaliya. Socdaalkaas oo ka soo bilawday magaalada Kismaayo kuna soo gunaanaday magaalada Burco ee uu safarkiisa ka bilaawday. Intii uu socdaalka Nabadda ku jiray, ayuu Abwaan Hadraawi la kulmay soo dhaweyn meel kast ee uu tago. Wuxuuna aad ula yaabay Magaalada Muqdishu oo markii uu soo marayey ay ka dhisneyd todobo (7) dowladood oo aan midna midka kale u gudbi karin.

 

Abwaan Hadraawi oo ka hadlayo dhibaatada ka taagan koofurta Soomaaliya, ayaa ka cosaday bulshda caalamka iyo indheergaradka Somaaliyeedba in ay ka shaqeeyaan sidii loo damin lahaa dabka ka ka holcaaya Soomaaliya.

 

Mar uu ka hadlayey labada Shacab ee kala tagay, ayuu Abwaan Hadraawi yiri “Labada Shacab waxay isu soo noqondoonaan markii mid waliba ogaado waxa ka maqan”.

 

Ugu dambeyntii wuxuu Abwaan Hadraawi khudbadiisii ku soo gabagabeeyey dhibaatada Soomaalida maanta ka haysata qurbaha. Waxaa la iishegey buu yiri abwaanku in carruur badan oo Soomaaliyeed ay ku jiraan xabsiyada dalkan Canada. Abwaanka ayaa dadkii weydiiyey “ Aaway dadkii dhalay caruurtaas”. Wuxuuna hoosta ka hariiqay in waalidka uu xil weyni ka saaranyahay abaabinta caruurtooda. “Caqli gal ma aha in intaas oo caruur ah oo Soomaali ah wada xumaato” ayuu yiri abwaan Hadraawi. Wuxuuna dhibaataas dusha ka saaray abaayaasha Soomaaliyeed oo ka soo bixiwaayey kaalintii looga baahnaa xannaanada xaruurtooda.

 

Abwaan Hadraawi ayaa sidoo kale kulan Suugaaneyd ku qabandoono magaalada Ottawa ee dalka Canada bisha November 1deeda. Wuxuuna kulankaas ka dhicidoonaa Jaamacadda Ottawa (University of Ottawa).

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

This is Xaraam and don't attend it, that's my advice to you my brothers and sisters...

 

It is Gaalo's way of fund raising, we are Muslims for god's sake, Tumasho or partying and Sadaqo isma galaan, contradiction tubu... we do not attend meelo Heeso iyo balaayo jini lagu tumo, they should held the fundraising activities in the Mosques or other appropriate places, or people should privately donate through other means, laakiin Ummada ha ugu yeerina clubing idinkoo ugu sheekaynaayo waa Sadaqo... or advertising your unholly partying events as being a 'worthy cause', dadka yaan lalug gooyn wiilasha iyo gabdhaha hanaga daacada ah hanaga waalina please.

 

Where are the Sheikhs of SOL, Culumadi dadka wacdin jirtay aawaye, Nur should visit this section more often, it looks like he abondoned all other sections except Islam, Xiin iyo BOB idinkaa ugu soo dhaw ee dacwada gaarsiiya ummada. SOL sheekh la'aan baa haysa, we need to recruit at least one Sheikh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

I am glad to see the our Soomaali community gathering one place and united.

MMA, I am afraid the word united has been erased from the Somali vocab! Would you believe they have the nerv iney diidaan calankeena in odayga loo dhiibo... redface.gif :mad: redface.gif :mad: Saying something about 'others' would want their flags too...What other flag does Somali have bo aniga waayaabee! Sheekoy ku nacay...

 

Gotta love it though when some Northerners here in Toronto tried to have Xaflad like this to honour him! His reply to them was: meeley Soomaaliyoo dhan wadan ama wada joogin, aysana kawada qeybqaadaneyn, dhiigiisa mageeyo!!! :D

 

Viva for Soomaaliweyn! Odayga rageedii waaye...Gambar jinkood ah uu ku fariisiyay... ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

“Caqli gal ma aha in intaas oo caruur ah oo Soomaali ah wada xumaato” ayuu yiri abwaan Hadraawi. Wuxuuna dhibaataas dusha ka saaray abaayaasha Soomaaliyeed oo ka soo bixiwaayey kaalintii looga baahnaa xannaanada xaruurtooda.

 

I agree with Hadraawi. It's understandable few ppl to go on the wrong track. But, huge number of Somali youth are in jails and that's unfortunate. I do blame Somali parents a great deal. Of course the environment and their economic status also plays an important role where many of them work two jobs and hardly leave time for their kids. Walahi, something must be done and fast.

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Kool_Kat:

quote: I am glad to see the our Soomaali community gathering one place and united.

MMA, I am afraid the word
united
has been erased from the Somali vocab! Would you believe they have the nerv iney diidaan calankeena in odayga loo dhiibo...
redface.gif
:mad:
redface.gif
:mad: Saying something about 'others' would want their flags too...What other flag does Somali have bo aniga waayaabee! Sheekoy ku nacay...

 

Gotta love it though when some Northerners here in Toronto tried to have Xaflad like this to honour him! His reply to them was: meeley Soomaaliyoo dhan wadan ama wada joogin, aysana kawada qeybqaadaneyn, dhiigiisa mageeyo!!!
:D

 

Viva for Soomaaliweyn! Odayga rageedii waaye...Gambar jinkood ah uu ku fariisiyay...
;)
Yaa diidi karo calanka baluugga sharafta badan? Ka naxoow nafta waa ma dhihi kariyee. I wish inaa tago anigoo finaanadeyda warYAA® ee calanka ka sameysan u gishto waliba.

 

Hadraawi in uu yahay qof dalkiisa jecel qof walbaa ogaa ee dadka meel qabiil iskugu imaanaayo rabay inay geeyaan iyaga isceebeeye markii horeba. I am glad in uu ka diido, a gathering lagu shiraayo the division of Soomaalinimo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this