Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Ka Tirsan Soomaaliland oo Laga Helay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka maalgashiga iyo hormarinta Soomaaliland Maxamed Axmed Cawad ayaa qoraal  uu soo dhigay bartiisa Twitterka waxa uu ku shaaciyay in laga helay fayraska COVID-19 ka dib baaritaan lagu sameeyay.

Mr Cawad ayaa sheegay in haatan xaaladdiisa caafimaad ay tahay mid wanaagsan isaga oo xusay inuusan jirin wax xannuun ah oo uu dareemayo.

102453366_4502686503090155_751996443648065536_n.jpg?_nc_cat=104&_nc_sid=b96e70&_nc_ohc=t26O_Y_gljAAX9LG_OV&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=74257449c0e142ff35f99d014f4db4f4&oe=5EFC88C6

Dhanka kale Soomaaliland ayaa maanta oo ah Talaado 02-06-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunka oo gaaraya 1401 qof.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay  in cudurka COVID-19 laga helay 26 qof,  iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka maanta ka bogsadeen 8 bukaan,  halka 24-kii saac ee la soo dhaafay uu hal ruux  u geeriyooday caabuqan.

Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Soomaaliland ayaa ah 48 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 22 ruux.

Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 358 kiis.

100887085_545625359652562_64407265146306560_n.jpg?_nc_cat=106&_nc_sid=b96e70&_nc_ohc=RSTQ5xisg7YAX9kgr5M&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=cf7d13c2578f4e7d059995fc45af037c&oe=5EFC5D5E

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this