Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal-ooge Jeneral Khaliifa Xaftar oo guul-darrooyin kale la kulmay + Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Libya

Recommended Posts

Deeq A.   
Dagaal-ooge Jeneral Khaliifa Xaftar oo guul-darrooyin kale la kulmay + Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Libya
 haftar-300x168.jpg

Dowladda QM ay taageerto ee Libya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay degmooyin cusub oo ku yaalla koofnurta magaalada Tripoli ka qabsadeen ciidamada dagaal-ooge Jeneral Khaliifa Xaftar.

Qabsashada cusub ayaa sii wiiqeysa rajada ciidanka Khaliifa Xaftar uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Libya.

Siqitaanka ay sameeyeen ciidamada dowladda ayaa dhameystiraysa toddobaad musiibo u ahaa ciidamada dagaal-oogaha, oo horey looga qabsaday saldhigga kaliya ee ay kaga sugnaayeen galbeedka Libya, sidoo kalena lumiyey gacan ku haynta dhowr magaalo.

Afhayeen u hadlay dowladda, Mustafa al-Mujie ayaa sheegay in ciidamada ay qabsadeen xiro militari iyo xaafadda Salahudin, ayna kusii siqayaan degmooyinka Mashrou iyo Ain Zara.

Awoodda dhanka cirka ah ee Turkiga ay ku taageereen dowladda Libya, iyo ciidamo laga keenay Syria, ayaa wax weyn ka beddelay xaaladda dagaalka Libya, islamarkaana hakiyey isku day socday 14 bilood oo Khaliifa Xaftar uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Libya.

Khaliifa Xaftar ayaa waxaa taageeraya Ruushka, Masar iyo Imaaraadka Carabta.

Sarkaal sare oo Turkish ah ayaa khamiistii sheegay inay ka aargudan doonaan weerar kasta oo dagaal-ooge Khaliifa Xaftar uu ku qaado danaha Turkiga ee Libya, saacado kadib markii Xaftar uu iclaamiyey dagaal iyo weeraro ka dhan ah Turkiga.

“Dhammaan goobaha Turkiga iyo iyo danahooda ee magaalooyinka Libya waxay bartilmaameed sharci ah u yihiin ciidamadeena, waxaana shacabka ugu baaqeynaa inay ka fogaadaan,” waxaa sidaas yiri madaxa ciidamada cirka ee Xaftar, Saqr al-Jaroushi oo bayaan soo saaray.

Hase yeeshee sarkaal sare oo Turkish ah ayaa sheegay inay si wanaagsan diyaar ugu yihiin inay difaacaan saldhigyadooda iyo xarumahooda, ayaga oo adeegsanaya maraakiibta dagaalka iyo diyaaradaha drone-ka ee ku sugan meel u dhow Libya.

Waxa uu intaas ku daray in weerar kasta oo lagu qaado shaqaalaha Turkiga laga bixin doono jawaab aargudasho oo ay ku jirto mid lagu beegsanayo xarumaha Khalifa Xaftar.

Guul-darrooyinka Xaftar ayaa waxaa horseeday diyaaradaha drone-ka Turkiga oo burburiyey habkii difaaca gantaallada Pantsir ee Ruushku ay sameeyeen, kuna caawiyeen Xaftar.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this