Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Wasiir Uu haleelay Xanuunka Coronavirus oo Diyaarad khaasa Loo Dalbay

Recommended Posts

Deeq A.   

Puntland: Wasiir Uu haleelay Xanuunka Coronavirus oo Diyaarad khaasa Loo Dalbay

 

Dowladda Puntland ayaa diyaarad gaar ah u dalabtay wasiir ka tirsan xukuumadda Puntland oo muddo ku xanuunsanayay magaaladda Garoowe kadib markuu uu dhacay cudurka Covid-19,

Wasiir-4.jpg

Diyaarada ayaa wasiirka ka qaaday garoonka diyaaradaha ee Garoowe, waxayna u qaaday magaalada Muqidisho iyadoo la filayo in loo sii gudbiyo wadanka Turkiga si halkaasi loogu dabiibo

Saraakiil ka tirsan Bahda Caafimaadka ayaa warbaahinta u sheegtay in Wasiirku uu ka bogsaday Cudurka Covid-19 hase yeeshee uu waxyeelo gaadhsiiyay sambabadiisa iyo habdhiska neefsashada taasi oo keeni karta inay gebi ahaanba ay shaqada joojiyaan sambabadu haddii uusan helin dhakhaatiir Takhakhus u leh

Wasiirka diyaarada khaaska ah looga qaaday Garoowe ayaa ah Wasiirka wasaarada Deegaanka &  Beeraha Puntland  ismaaciil Diirye Gamadiid.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this