Sign in to follow this  
me

Inflation hits Gaalkacyo

Recommended Posts

me   

Sicir Barar aad u sareeya oo ka jira Magaalada Gaalkacayo.

 

(Galkacayo, January 15, 2008 Ceegaag Online)

 

Sicir Barar aad u sareeya ayaa laga soo sheegayaa Magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug, Sicir Bararkani ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay marka loo eego waqtiyadii lasoo dhaafay haba ugu darnaadeen Cunnooyinka daruuriga ah ee dadku ay isticmaalahaan maalin kaste oo ay qiimahoodu kor u kaceen.

 

Ganacsatada Magaalada Galkacayo ayaa ku sheegay kor u kaca qiimaha la kala siisto cuntooyinka daruuriga ah iyo alaabada kale inay ugu wacan tahay lacago been abuur ah oo si xad dhaf ah u soo galay Magaalada iyadoo hoos u dhigtay ganacsigi lixaadka leh ee ka jiray halkaas.

 

Dadwaynaha ayaa si wayn uga cabanaya sicir bararka soo food saaray waxayna ka codsadeen ganacsatada inay u naxariistaan dadka dan yarta ahee ku nool magaalada Gaalkacyo

 

Lacagahan been abuurka ah ayaa intooda badan waxaa lagu farsameeyaa mashiino yaala Magaalada Boosaaso waxayna saamayn ku yeesheen nolosha dadka dagan Gobolada kale ee ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland.

 

Magaalada Galkacyo ayaa ah goob ganacsi weyn uu ka socodo xuduna u ah isku xirka Gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed iyadoo aad ku arki kartid noocyada kala duwan cunnooyinka Daruuriga ah ee ay dadku isticmaalaan.

 

www.ceegaag.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lacagahan been abuurka ah ayaa intooda badan waxaa lagu farsameeyaa mashiino yaala Magaalada Boosaaso waxayna saamayn ku yeesheen nolosha dadka dagan Gobolada kale ee ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland.

Somali iyo lacag jeceel. Lacag unbee soo abuuran without really considering the serious effects on the general economy.

 

The Question is,who is printing these monies? How much money was it really? It must be from some highly organized well connected fatcats in the regime. This is what you get when you have these mini states going all indepedent. No monetary regulations.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this