Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Oomaar oo ka digay in baraha bulshada laga huriyo colaadd duleedka Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa u digay shakhsiyaadka baraha bulshada ku buun-buuniya wararka ku saabsan colaad beeleedka ka aloosan duleedka Magaalada Kismaayo ee Jubaland.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in ay isku mid yihiin maleeshiyaadka dagaalka ku jira iyo kuwa baraha Bulshada soo dhiga dadka waxyeelada gaartay iyo waxyaabaha kale ee qaybta ka noqon kara kicinta dadka.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u digeysaa dadka Baraha Bulshada Soo dhiga waxyaabaha sii hurinaya dagaalka, waa isku mid dadka dagaalamaya iyo kuwa baraha Bulshada soo dhigaya, waxa aan leenahay iska dhaafa, haddii kale waxaa la idinka qaadayaa tallaabo ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay markale dalbatay in miiska wadahadalka lagu dhameeyo dhammaan waxyaabaha ay kala tirsanayaan beelaha Maleeshiyaadkooda ku dagaalamayaan duleedka Kismaayo.

Wada-xaajood dhexmara labada dhinac ayuu shegay in looga baaqsan karo daadashada dhiig kale wuxuuna ku baaqay in loo istaago daminta Xiisadda labada dhinac ka dhex aloosan.

PUNTLAND POST

The post Wasiir Oomaar oo ka digay in baraha bulshada laga huriyo colaadd duleedka Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this