Sign in to follow this  
Deeq A.

Duuliye u dhashay Dalka Kenya oo naftiisa u huray badbaadinta muwaadiniin Kenyan ah oo ku xayirnaa Magaalada Newyork-USA

Recommended Posts

Deeq A.   
Duuliye u dhashay Dalka Kenya oo naftiisa u sadqeeyay badbaadinta muwaadiniin Kenyan ah oo ku xayirnaa Magaalada Newyork-USA
 duuliye.jpg

Duuliye sare oo ka tirsanaa shirkadda Diyaaradaha Kenya Airways ayaa naftiisa u lumiyay si uu usoo daad gureeyo muwaadiniin Kenyaan ah oo ku xayirnaa magaalada New York City, ee uu aadka ugu faafay coronavirus.

 

Kabtan Daudi Kimuyu Kibati, oo bukooday 29-kii Maarso, aya geeriyooday 1-dii Abriil, toddobaad kadib markii uu gutay waajibaadkiisii qaran ee u dambeeyay ee uu dadkiisa kagasoo daad guranayay Maraykanka.

Geeridiisa waxaa shaaciyey Xoghayaha Golaha Caafimaadka Mutahi Kagwe intii lagu guda jiray shirkiisa jaraa’id ee Khamiistii shalay, isagoo kamid noqday labo bukaan oo u geeriyooday fayraska covid 19.

Kabtan Kibati wuxuu mas’uul ka ahaa duulimaadkii ugu dambeeyay ee ka imaanayay New York kuna sii jeeday Nairobi, isagoo  ka daadgureeyay halkaas Kenyaan ku xayiran Mareykanka, ka hor inta aysan xayiraadda dowladda ka qaadin duullimaadyada caalamiga ah Arbacadii hore.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan Shirkadda Diyaaradaha Kenya ee codsaday in aan magaceeda la shaacin, Kabtan Kibati, oo duuliye ka ahaa diyaaradda ‘Dreamliner 787’, ayaa loo xilsaaray inuu dadka reer Kenya ka daadgureeyo magaalada uu fayraska aad ugu faafay ee New york, iyadoo lagu sugnaa waqti aad u adag.

Markii uu gaaray Maddaarka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta bishii Maarso 24, wuxuu go’aansaday inuu isku-karantiilo hudheelka Ole Sereni, isaga iyo caawiyihiisii.

Maalmo kadib ayaa laga helay cudurka, isaga oo ka halleelay cunnaha, ugu dambayna uu u geeriyooday.

Kabtan Kibati, waxay da’diisu ahayd 61 jir, waxaa uu kamid ahaa saraakiishii howlgabka ka noqday Ciidanka Cirka Kenya.

Waxaa uu noqday geesi qaran oo noloshiisa u lumiyay  si uu u badbaadiyo dadkiisa ku go’doonsanaa dibedda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this