Sign in to follow this  
Deeq A.

 Askari Boolis ah oo qaabka Farshaxnimada ah ee uu u gudbiyo Farriinta cudurka coronavirus Warbaahinta soo jiitey+Fikrad cusub oo la uu la fagaare yimi+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

 Askari Boolis ah oo qaabka Farshaxnimada ah ee uu u gudbiyo Farriinta cudurka coronavirus Warbaahinta soo jiitey+Fikrad cusub oo la uu la fagaare yimi

indianpolice.jpg

Nin boolis ah oo ka howlgala magaalada Chennai ee dalkaasi Hindiya ayaa soo jiitay indhaha warbaahinta kadib markii uu lasoo baxay fikir uu si sahlan dadka ugu gudbinayo farriinta dowladda ee ku aadan cudurka coronavirus.

Booliskan oo lagu magacaabo Rajesh Babu ayaa markii hore dhib ku qabay sida uu sheegay in ay farriimihiisa cudurka ay dadku qaataan, balse markii uu lasoo baxay fikir ah in uu koofiyaddiisa ku naqshadeeyo muuqaalka cudurka coronavirus uu isbeddal dhanka wacyi-qaadashada uu ka dareemay dadka.

Dowladda Hindiya ayaa xayiraad kusoo rogtay magaalooyinka qaar ee dalkaasi si ay uga hortagto cudurka coronavirus, waxaana dadka qaarkood ay jabinayaan xayiraadahaasi lagu faray in ay guryohooda ku sugnaadaan.

Rajesh Babu oo ku sugan bar kontarool oo magaalada Chennai ku taal ayaa isagoo koofiyaddiisa cabsida leh xiray joojinaya gaadiidleyda, isagoona u sheegaya halista cudurka coronavirus leeyahay islamarkaana farana in ay naftooda iyo kuwa kaleba ka ilaaliyaan halistiisa oo ay guryohooda ku nagaadaan.

Naqshadiiste lagu magacaabo B. Gowtham ayaa ka dambeeya fikirka koofiyadan ku baahday baraha bulshada iyo warbaahinta.

indianpolice1-1.jpg indianpolice2.jpg indianpolice3.jpg indianpolice4.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this