Deeq A. Posted March 25, 2020 Waxaa xalay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo dagtay diyaarad ka timid wadanka Shiinaha, taas oo siday agab caafimaad oo loo qorsheeyey in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay uga hortagto cudurka Corona. Goobta lagu soo bandhigay qalabkaan oo ah garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, xubno ka tirsan wasaaradda caafimaadka iyo safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya, Mr Qin Jian. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Caciid Cabdullaahi ayaa safiirka Shiinaha ee Soomaaliya kala wareegay agabkaan oo qeyb ka qaadana ka hortagga COVID-19. Dhankiisa Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian ayaa caddeeyey in dowladdiisa ay ka go’an tahay garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in Soomaalita ay ka caawin doonaan la dagaalankan cudurkaan oo fara ba’an ku haya dalal badan oo ku yaalla caalamka. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites