Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Xildhibaan lagu dilay magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
Tinle.jpg?w=1000&ssl=1Xil. Mukhtaar Axmed Cumar Tinle

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur, oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay dil caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay xildhibaan ka tirsan Golaha Degaanka Gaalkacyo.

Xildhibaanka oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Axmed Cumar (Tinle), ayaa laba nin oo bastoolado ku hubaysan waxay ku toogteen bartamaha magaalada Gaalkacyo, waxaana dhaawaciisa loola cararay isbitaalka, halkaas oo uu markii dambe ku geeriyooday, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Haa, waa isa’ soo kor taageen isagoo meherad ka soo horjeedda Somteel jooga, laba nin bay ahaayeen, bastoolad bay ku dhufteen, way carareen. Dariiqaa waxay soo mareen Saylaan, aaggaas markay marayeen askari qori sitaan ka horyimid isagiina xabad bay ku dhufteen oo waa dhaawac” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Sidoo kale, dableeyda hubaysan oo aan gacanta lagu dhigin, ayaa dhaawac u gaystay askari ka tirsan ciidamada Puntland oo meel kale kaga soo baxay, kadib markii ay ka soo carareen goobta ay xildhibaanka ku dileen.

Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi, inkastoo malayshiyaadka Al-shabaab looga bartay weerarada noocaas oo kale ah.

Hoos ka daawo wareysiga Guddoomiyaha

PUNTLAND POST

The post Puntland: Xildhibaan lagu dilay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this