Deeq A. Posted March 13, 2020 Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramay inay weerareen saldhigyo ku yaala gobolka Shabeellaha Hoose. Xerooyinkaan ay leeyihiin Ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa ku kala yaala degaanada Bariire iyo Awdheegle. Illo degaanka ah ayaa idaacadda Shabelle u xaqiijiyey in weerarka uu dhacay habeenimadii xalay isla markaana u cuslaa. Ma cadda khasaaraha guud ee ka dhasha isku dhaca. Al-Shabaab ayaa siddaan oo kale waxay habeenkii Arbacada ay beegsatay saldhig ciidan oo ku yaala Afgooye, wallow aan la xaqiijin waxyeeladda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites