Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Faah faahinno ka soo baxaya dab ka kacay Hodan

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo maanta ka kacay waaxda October, degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dabkaasi, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan inuu ka dhashay kaalin shidaal oo ku taalla ka soo horjeedka isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir, halka kuwa kalena ay ku warramayaan in koronto ay sababtay.

Ugu yaraan illaa labo qof ayaa ku dhaawacantay dabkaan, sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inuu dabka saameyn xoogan ku yeeshay goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi.

Gaadiidka dab damiska ee gobolka Banaadir iyo dad shacab ah ayaa ugu dambeyn ku guuleystay daminta dabkasi.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:

Dab 1-12 3-6

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this