Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo howlgallo ka sameeyey Sh/ Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ay howlgallo ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu si gaar ah uga fuliyeen  inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe

Saraakiisha hoggaamineysay baaritaanadaasi ayaa sheegay in ujeedka uu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga waddada dheer ee isku xirta labadaasi magaallo.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ka fuliya jidkaasi, kuwaas oo ay la beegsadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay ku socdaalayaan halkaasi

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this