Deeq A. Posted February 22, 2020 Qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka ee Somailand ayaa maanta si weyn u dhaliilay xukuumadda maamulkaasi ee uu hoggaamiyo, Muuse Biixi Cabdi. Guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo Wadani, Feysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa eedeymo u jeediyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo sheegay inuu ku fashilmay hoggaaminta Somaliland. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, kadib kulankii ay Biixi iyo Farmaajo ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Cod-onkod.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites