Deeq A. Posted February 15, 2020 Taliyaha ciidamada AFRICOM ee Mareykanka General Steven Towsend oo uu wehliyey safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto ayaa soo gabagabeeyay booqasho maalmo aheyd uu ku tagay qeybo ka mid ah Soomaaliya iyo dalka Kenya, gaar ahaan xerada Manda Bay oo ciidamo Mareykan ah iyo kuwa KenyAan ah ay dagan yihiin. GenerAal Steven Towsend iyo saraakiil uu hogaaminayey oo qeyb ka ah howgalka AFRICOM ayaa intii aysan u dhoofin dalka Kenya, waxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose kulan kula qaateen madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe. Sidoo kale Taliyaha AFRICOM, GeneraAl Steven Towsend ayaa kadib booqashadiisii Kismaayo waxa uu u safray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, isagoo halkaasi kula kulmay madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdulaahi Deni. Labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland ayaa taliyaha ciidamada AFRICOM wuxuu kala hadlay xaalada ammaanka maamulladaasi iyo dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab Intaa kadib Steven Towsend, Ambassador Donald Yamamoto iyo saraakiil ka tirsan AFRICOM ayaa u safray dalka Kenya, gaar ahaan xerada Manda Bay oo ku taalla magaalada xeebeedka Lamu ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, xeradaas oo Al-Shabaab ay ku qaaday weerar khasaara geystay, kaas oo dhacay horraanti bishii la soo dhaafay ee Janaayo. Taliyaha AFRICOM ayaa indha indheeyey xaaladda amni ee xerada oo ciidamo Mareykan iyo Kenyan isugu jira ay dagan yihiin, isagoo sidoo kale la kulmay saraakiisha xeradaasi ku sugan oo uu ka dhageystay warbixin ku saabsan baaritaanadii laga sameeyey weerarkaasi. Mareykanka ayaa qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoona duqeymo dhanka cirka ah ka fuliya qeybo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites