Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 20 qof oo ku geeriyootay degmada Jalalaqsi

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi, Maxamed Nuur Cagajoof (Dabaashe) oo la soo xiriiray Idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa ka warbixiyey xaalado caafimaad darro oo ka jira degmadaas iyo deegaanada ku dhow dhow ee gobolka Hiiraan.

Cagajoof ayaa sheegay in magaalada Jalalaqsi uu haatan fara ba’an ku hayo cudurka shuban biyoodka oo maalmihii u dambeeyey ka dilaacay halkaasi.

Sidoo kale wuxuu Shabelle u xaqiijiyey in cudurkaasi ay u dhinteen illaa iyo hadda dad gaaraya 22 qof, islamarkaana ay haatan la’il daran yihiin ku dhowaad 100 kale.

Guddoomiye Cagajoof ayaa sidoo kale tilmaamay in isbitaalladu ay buux dhaafeen, islamarkaana ay dadkaas u baahan yihiin gurmad caafimaad oo deg-deg ah.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda HirShabelle iyo dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka inay u soo gurmadaan dadkaasi dhibaateysan.

Hakaan hoose ka dhageyso wareysiga

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Wareysi-Gudoomiyaha-Jalalaqsi.mp3

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this