Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Haweenka Iyo Qoyska Ee Dalka Jabuuti Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Caasimadda Hargeysa waxa lagu soo dhaweeyay wefdi ay hogaaminayso wasiirka Haweenka iyo qoyska ee Jamhuuriyadda Jabuuti Muumina Muxumed Xasan, taas oo booqasho ku timi dalka.

jabuuti.png

Wefdigaas waxa horkacayay safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti, Waxana garoonka caasimadda ee Cigaal kusoo dhaweeyay wasiirka shaqo galinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland Wasiirka gaashaandhigga, Safiirka Jabuuti ee Somaliland, Wasiir ku xigeenka xanaanada Xoolaha, Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqa galinta iyo dadweyne kale.

Safiirada dalalka Jabuuti iyo Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye iyo Cabdifataax Siciid Axmed ayaa soo dhaweeyay wasiirka haweenka iyo qoyska ee Jabuuti waxaanay shegeen inay dalalka Jabuuti iyo Somaliland yihiin walaalo uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheer.

Hinda Jaamac Xirsi Gaanni Wasiirka shaqo galinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay Somaliland timaado wasiirka Haweenka iyo qoyska ee dalka Jabuuti iyo wefdiga ay hogaaminayso.

Geesta kale Muumina Muxumed Xasan Wasiirka haweenka iyo qoyska ee Jabuuti ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay imaatinka JSL iyo casuumadda ay u fidisay wasiir Hinda Jaamac Xirsi, iyadoo xustay inay ka shaqayn jirtay hay’adda samafalka ee ka hawl gala Somaliland, waxaanay sheegtay imaatinkeeda Somaliland inuu uga dhigan yahay iyadoo gurigeedii joogta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this