Deeq A. Posted February 7, 2020 Muqdisho (SMN) – Ku dhawaad 50 gaadiidka nooca xamuulka ah ee iskaga kala goosha magaala madaxda dalka iyo gobolada ayaa maalintii 4aad ku xayiran Isgoyska Ex-control Afgooye ee duleedka Muqdisho. Qaar kamid ah wadayaasha gaadiidka ayaa sheegay in xilliyada habeenkii ah wadada loo oglaa, balse hada gabi ahaanba la joojiyey, isla markaana aysan mari karin wadooyinka doc-dhabaha-ah. Gaadiidleyda isticmaasha wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa dhib ku qaba isticmaalka wadadaas tan iyo wixii ka dambeeyay qarixii Ex-control Afgooye 28 Dec ee khasaaraha badan sababay. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in la xiray jidkaas, sababo ku aadan ammaanka kooxda dhiseysa. Wadada xiriirisa Muqdisho-Afgooye ayaa lagu waddaa dayactir balaaran oo ay maalgelineyso Qadar isla markaana ay fulineyso shirkad laga leeyahay waddanka Turkiga oo qandaraaska ku guuleystay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites