Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi ka socda UNHCR oo la kulmay Waare iyo Ugaas Xasan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakiilka geeska Africa u qaabilsan ha’yadda qaxootiga ee UNCHR, Maxamed Cabdi Afey iyo wakiilka hay’adda UNHCR ee Soomaaliya Johann Sifointe ayaa booqday wabiga Shabelle iyo qeybo ka mid ah degmada Beledweyne oo fatahaado ay ku dhufteen.

Mas’uuliyiinta ka socday hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa kormeeray meelaha ay sida daran u saameeyeen fatahaadihii dhacay sanadkii hore.

Sido kale xubnaha ka socday UNHCR ayaa la kulmay madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugas Rooble oo ka mid ah salaadiinta ku dhaqan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya

UNHCR ayaa sheegtay in fatahaadihii ka dhacay dalka ay barakaciyeen 430 kun oo qoys , iyadoo 230 kun oo ka mid ah qoysaskaasi ay daganaayeen magaalada Beledweyne.

Dhankiisa madaxweyne Waare ayaa uga mahadceliyay hay’adda UNHCR, sida ay uga qeyb qaadatay samata bixinta shacabka ku dhibaateysnaa gudaha magaaladaasi.

Ugu danbeyn Wakiilka geeska Africa ee UNCHR, ayaa sheegay in Beledweyne ay tahay meelaha saameynta ugu badan ay ku yeesheen fatahaadaha, wuxuuna ballan qaaday in hay’addu ay dib u dajin rasmi ah u sameyneyso dadka ay barakiciyeen fataahadahaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this