Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo mudada u kordhinayo ciidanka ka jooga biyaha Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumada Ankara ee Turkiga ayaa maanta soo bandhigtay qorshe ay dooneyso in baarlamaanka dalkaasi ku meel mariyaan muddo kordhin loo sameynayo ciidamada Turkiga ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya, gacanka Cadan iyo biyaha Carbeed.

Baarlamaanka Turkiga ayaa la filayaa in maalinta beri ah ay dood adag ka yeeshaan ansixinta qorshaha ay soo bandhigtay xukuumadda wadankaasi.

Sidoo kale xukuumadda Ankara ayaa baarlamaanka ka dalbatay in muddo hal sano ah loo kordhiyey ciidamada Badda Turkiga ee jooga xeebaha Soomaaliyaa, si ay u sii wadaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee burcadbadeeda Soomaalida.

Waa markii 12-aad, tan iyo 2008-dii oo dowladda Turkiga ay baarlamaanka dalkaasi horgeyneyso qorshaha mudda kordhinta ciidanka uga howlgala biyaha Soomaaliya.

Joogitaanka ciidamada Turkiga ee biyaha Soomaaliya ayaa wax badan ka tara ammaanka marinka baabul Mandab oo ah marinka 4-aad ee ugu weyn aduunka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this