Sign in to follow this  
Deeq A.

Bangiga Dhexe oo war kasoo saarey dabkii xalay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Maamulka Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa  Faahfaahin ka bixiyey Dabkii Xalay ka kacay Qeyb kamid ah Bangiga, kaasi oo aan geysan Wax khasaare ah, waxaana Maamulka Bangiga uu u mahad celiyey Ciidanka Dabdemiska iyo Hay’addaha Amniga oo gacan weyn ka geystay in la laga hortago Khasaare ka dhasho Dabkaasi.

Halkaan hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka

Habeenimaddii xalay ayaa qol ka mid ah xafiisyada dambe Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa ka kacay dab, xilli saq dhexe ahayd.

Dabku waxa uu ka dhashay fiilo koronto oo ku xiran mid ka mid ah qolalka dambe ee Bangiga oo aan hadda la isticmaalin.

Ciidanka ilaalada Bangiga Dhexe ayaa markiiba ogaaday, isla-markaana degdeg u wargeliayay Ciidanka Dabdemiska, Maamulka Bangiga, Hay’adaha amniga iyo Gobolka Banaadir.

Waxaa isla markiiba goobta soo gaaray Dabdemiska oo muddo daqiiqado kooban ah ku demiyay dabkaas.

Ma jiro wax khasaare naf ama hantiyeed oo soo gaaray Bangiga Dhexe, marka laga reebo fiilooyinka korontada ee qolkii dabku ka kacay oo u baahan in la beddelo.

Maamulka Bangiga Dhexe wuxuu u mahad celinaynaa ciidamka dabdemiska iyo hay’adaha amniga oo gacan weyn ka geystay in laga hor tago in khasaare ka dhasho dabkaas.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this