Sign in to follow this  
Somalina

Jaamacadaha Somaliland Halkay Caalamka iyo Gobolka kaga jiraan, fuudhka saar.

Recommended Posts

Somalina   

Cilmi-baadhis daahfuraysa heerka ay tacliinta Somaliland kaga jirto caalamka iyo gobolka ayaa markii ugu horaysay uu soo bandhigay Prof Maxamed Yusuf (IQRA) oo bari sare ka ah Jaamacadda Al-Cayn ee dalka UAE, haystana shahaadada PHD-da, ka dib markii uu socdaalka xogogaal ururin ah ku yimi dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo kulamo uu ugu kuurgalayay heerka tacliinta la yeeshay wasaaradda waxbarashada iyo jaamacadaha dalka.

 

Webometrics ayaa waxa ay qiimaysay 12000 oo jaamacadood oo caalamka ku yaal sanadkan 2010. Waxay ku soo dartay shan jaamacadood oo Somali maamusho waxayna kala yihiin Muqdisho University, Hargeysa Univesity, Camuud University, Burco University iyo East Africa University ( Boosaso).

 

Jaamacada Muqdisho waxa la aasaasay 1997, Camuud 1998, Boosaaso 1999, Hargeysa 2000, Burcona 2004. Shantaa Jaamacadood waxa ugu saraysay
Jaamacada Muqdisho oo gashay kaalinta 6941
. Afarta kale waxay u kala sareeyeen sidan:
Boosaaso kaalinta 10086, Burco 10172, Camuud 11483, iyo Hargeysa 11500
. 12000 ee jaamacadood boqolkiiba siddeed iyo kontan ayaa ka sarreeyey jaamacadda Muqdisho, Jaamacada Caamuud oo sannad ka yar ta Muqdisho ahaydna Jaamacadii Somaliland ugu horreysay astaantana u ahayd waxa ka horreeyey boqolkiiba lix iyo sagaashan Jaamacadood. Iyada iyo jaamacada Muqdishna waxaa u dhexeeyey 4542 jaamacadood.

 

Jaamacadda Muqdisho oo saddex iyo toban jir ah ayaa amaan mudan, kana soo dhex baxday shantaa jaamacadood. Kolka la eego boqolka jaamacadood ee u sareeya afrika waxay ahayd ta kaliya ee ku jirtay. Waxay ahayd Jaamacadda 90 naad
. Jaamacadaha ka hooseeyey waxa ka mid ahaa jaamacada Kenya ku taal ee Egerton University oo la aasaasay 1939, noqotayna Kulliyad buuxda sannadkii 1955 Jaamacadaha Kenyana kaga jirta kaalinta afraad, jaamacadaha Afrikana kaalinta 97. Guud ahaana Jaamacadaha Kenya oo shan iyo toban ka mid ahi qiimayanta ku jireen kow iyo toban ka mid ah Jaamacadda Muqdisho ayaa ka sarreysay, laba ka mid ahina wax naf leh kamay horeyn waa Kenyata University iyo Moi University.

 

Inkastoo jaamacadaha Somaliland u hooseeyaan jaamacadaha caalamka iyo kuwa gobolkaba, Kolka iyaga la is barbar dhigo, waxa u sarraysa jaamacada Burco oo ahayd tii ugu yarayd oo lix jira. Jaamacada Burco waxay gashay kaalinta 10172, iyadoo Hargeysa iyo Camuud in badan ay ka sarraysay una dheexeeyeen in ka badan 1300 oo jaamacadood, waa arrin kale oo yaab leh!. Qofka xaalka jaamacadahan la socdaa waxa laga yaabaa in uu isku qanciyo habka maamulkeedu u dhisanyahay oo ka duwan labada kale.

Gudiga Horumarinta Gobolka Togdheer ayaa Jaamacada ka masuula oo looga dambeeya awood buuxdana u leh in ciday doonaan u dhiibaan, haday garanwaayaana erya madaxa jaamacadda, labada jaamacadood ee kale ma laha gudi soke oo ay ku abtirsadaan awoodaana leh oo jaamacada xukunta kana madax bannaan guddoomiyaha jaamacada. Taasuunbaa u muuqan karta sababta ugu weyn ee keentay in ay dhulka jiido Camuud iyo Hargeysa oo kala galay kaalmaha 11483 iyo 11500 siday u kala horeeyaan..

 

Jaamacadaha Somaliland in ay fashilmaan maxaa keenay?

 

Tacliinta Sare dhabarjabka ugu weyni waxa uu ka soo gaadhay saddex dhinac oo kala ah dhinaca Xumkuumadda iyo Golayaasha, dhinaca Dadweynaha, iyo dhinaca Qaabdhismoodkoodda.

 

Xukuumadihii kala dambeeyey oo ay ta maantu u dambaysay qorshe tacliimeedba tirada kumay darsan in uu xilka saaraanyahay. Mayd maxaa u dambeeyey iyo kaa la sii sido, kolkii xafiiska u la wareegay madaxweynahani waxa aanu u sheegnay in uu fursad wanaagsan u haysto hagaajinta tacliinta sare oo aasaas u noqon karta horumarka dhaqaale, caafimaad iyo bulsho guud ahaan laakiin nin meeli u caday meel ka madow.

 

Inkasta oo ninka ah (chief of cabinet) Xirsi uu aad ugu heelanaa wax ka qabashadda waxbarashada oo uu aad nool la shaqeeyey, haddana waxanu la kulanay madaxweyne aanay qorshahaba arrintani ugu jirin, waxa uu ku gaabsaday in uu arrinta aad ula dhacay, dabadeed waxa uu ku wareejeyey madaxweyne ku xigeenka oo meesha fadhiyey, isna sanqadhiisaba waxa noogu dambaysay maalintaa kolkii namberada telephonadayada uu qaatay. Dhinaca golayaasha haddaynu jaleecno, baadiyi ninkii oog in ay ka maqantahay ayaa daydayee, ilama aha in xataa ay garanayaan waxyaabaha ummaddu u igmatahay in waxbarashaddu ka midtahay iyo in kaleba. Haddaad eegto dadweynaha, waxaa ka maqan ku baraarugsanaantii in ay xaq u leeyihiin la xisaabtanka xukuumadda iyo golayaasha.

 

Kaalintaa ay baneeyeen xukumadda, golayaashu iyo dadweynuhu, waxaa ka dhashay dhowr arrimood oo ay u horeyso dalku in aanu yeelan qorshe waxbarashaba (National Education Master Plan), taasoo keentay jiho loo socdaba in la garanwaayo, waxa kale oo ay keentay in wadanku yeelan waayo meeloo lagu kala shaandheeyo dhukuocumentiyadda dalka debada ka soo gelaya oo shahaadaduhu ka mid yihiin (Authentication center) taasoo iyana keentay
shahaadado badan oo been abuur ahi in ay dalka soo galaan ardayda jaamacadahana wax loogaga dhigo, xataa waxaa dhacda in cid aan jaamacadba waligeed galini ka soo jeestaan fasalo oo ay ardayda is hor taagaan taasuna waxay keentay tayo xumadda ay tacliinta sare maanta la daalaadhacayso.

 

Arrintu waxay ahayd madaxweynaha iyo golayaashu in ay igmadaan waxgaradka iyo culimadu in ay qeexaan ujeedooyinka waxbarashada dalka, jiheeyaana oo soo dejiyaan (National Education Master Plan). Taasu waxay keeni lahayd in ay saldhig u noqoto waxbarashada dalka iyo rukumada ay ku taagantahayba.

Read the full article here

Share this post


Link to post
Share on other sites

Webometrics ranking is not a big deal. It is a mere "web presence" ranking.

 

The scholarly ranking is done by The Times - Higher Education and Somali schools don't make the cut (in fact all of Africa doesn't make it except South African and Egypt).

 

Here is the top 200 for 2010.

 

http://www.timeshighereducation.co.uk/world-university-rankings/2010-2011/top-200.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

If you personally know any Somali kid in high school with good grades and SAT scores please tell him/her that Princeton gives full ride scholarship if his/her parents combined income is less 60,000 dollars..Princeton is #5 in that Times list...This is NOT waxalayirii story I personally did attend one of their tours this past summer..Where else would you get a world class education at no cost? Only in America!

Share this post


Link to post
Share on other sites

The admissions rate for Princeton (#5 overall) for 2010 was 10.2%. To put it in perspective, University of Toronto (#17 overall), the highest ranking university in Canada (according to this study) has a whopping undergraudate acceptance rate of 80%. This doesn't mean that the only requirement to get an admission to UofT is a drivers licence and a high school diploma. But it does mean that Canadian Schools are not nearly as selective as brand-name, ivy-league schools because the pool of applicants' differential is great. All the same, many universities manage to achieve considerable prestige without being as hyper-selective as the higher ranking schools.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Prometheus:

The admissions rate for Princeton (#5 overall) for 2010 was 10.2%. To put it in perspective, University of Toronto (#17 overall), the highest ranking university in Canada (according to this study) has a whopping undergraudate acceptance rate of 80%.

University of Toronto has an acceptance rate of 19%. Cornell University, an "ivy league" University has 19% acceptance rate.

 

But to use your “selective” argument, one should apply to Rust or Curtis College instead of Princeton when considering a “top college” in the US then. A faulty argument, is it not?.

 

What matters more is "the best and the brightest" in the home country get accepted.

 

At University of Toronto, roughly 50,000 students bother to apply yearly and less than 20% of applicants are admitted. It is the top school in Canada and the most reputable. Like all other schools, university applicants choose programs and some programs are more “harder to get into” than others. Regardless of what the acceptance rate is for specific programs, the overall average admission score is 84% (Average mark in High School).

 

In Engineering (University of Toronto), average student high school score is 89.9%. Engineering Science at the University of Toronto is among world's top in its rank and the toughest to get into. Medical, Law and MBA are top notch. Canada mimics British education system which is generally more rigorous at the high school level, so it is not a cake walk to achieve 80% in Canadian High Schools.

 

Nonetheless, Princeton, is a great school.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Originally posted by Jacaylbaro:

quote: uu soo bandhigay Prof Maxamed Yusuf (IQRA) oo bari sare ka ah Jaamacadda Al-Cayn ee dalka UAE

Carabo dheg cas iga dheh ,,,,
:DCarab waad shegatan idinkuba see camal. Hawshiisa hadda uun buu bilaabey, ee aan ka war sugno.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this