Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo shir caalami ah uga qeyb gashay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirada shaqaalaha ee dalal dhaca bariga iyo geeska Africa ayaa shir caalami ah oo arrimo badan looga hadlay ku yeeshay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Wasiiradaasi ayaa ka qeyb galay shir goboleed looga hadlay arrimo ku saabsan socdaalka shaqaalaha ee wadamada geeska Africa.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumada Soomaaliya, Sadiiq Warfaa oo ka qeyb galay shirka ayaa kulan doceed la qaatay wasiirada shaqaalaha dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, Ethiopia, South Sudan, Eritrea, Djibouti, Rwanda iyo Burundi.

Dhammaan wasiirada ayaa isku raacay in la xoojiyo dedaalada fududeynta safarada iyo socdaalka shaqaalaha wadamada kulanka yeeshay,si ay ugu suura gasho in waqti kooban ay uga faaideystaan fursadahooda shaqo.

Ugu dambeyn wasiir Warfaa ayaa markii uu shirka soo dhammaaday saxiixay war-Murtiyeed wadajir ah oo bilow u ah Hab-raaca shirkaasi, si loo meel mariyo siyaasadaha socdaalka shaqaalaha ee gobolka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this